dawladnimada iyo Anshax wanagsan
Maxay meesha uga baxday Anshaxii dawladnimo ? Anshax dawladnimadu waa mid kaliya ee saldhiga u ah, hagaajinta iyo humaaga ay u socdaan hawlaha maalinlaha ah, iyo xushmada iyo kala hagista hawlaha dawladnimo, muhiimada uu leeyahay anshaxa dawladnimadu waa mid aad ugu muhiima qaybaha kala duwan ee dawladnimada, wuxuu ilaaliya khayraadka guud ee dalka, wuxuu wanaajiya nidaamka dawlada, wuxuuna qaabeya dawladnimada, wuxuu abuuraa aaminada dawlada jirta iyo heerka ay dadku ku qanacsan yihiin, wuxuuna qaabeya dawladnimada doorkeeda horumarka iyo kor u qaadida adeegyada ay u qabaneyso bulshada wuxuuna ka hor tagaa musuqmaasuq( corruption ) madama oo uu qofku ka baqayo in lagu qaado xeerka anshaxa, qaybahan iyo qodobadan aynu soo xusnay inagoo soo koobeyna, ogsoona dadka wakhtigan iyo akhriska heerka uu gaadhsiisan yahay, waa astaamaha saldhiga u ah, ama gunta u ah, nidaamka anshax ee caalamiga ah, ama laysla qirsan yahay haddii la raaco in laga helo faaiidooyin bada...