dawladnimada iyo Anshax wanagsan
Maxay meesha uga baxday Anshaxii dawladnimo ?
Anshax dawladnimadu waa mid kaliya ee saldhiga u ah, hagaajinta iyo humaaga ay u socdaan hawlaha maalinlaha ah, iyo xushmada iyo kala hagista hawlaha dawladnimo, muhiimada uu leeyahay anshaxa dawladnimadu waa mid aad ugu muhiima qaybaha kala duwan ee dawladnimada,
wuxuu ilaaliya khayraadka guud ee dalka,
wuxuu wanaajiya nidaamka dawlada,
wuxuuna qaabeya dawladnimada,
wuxuu abuuraa aaminada dawlada jirta iyo heerka ay dadku ku qanacsan yihiin,
wuxuuna qaabeya dawladnimada doorkeeda horumarka iyo kor u qaadida adeegyada ay u qabaneyso bulshada
wuxuuna ka hor tagaa musuqmaasuq( corruption ) madama oo uu qofku ka baqayo in lagu qaado xeerka anshaxa,
qaybahan iyo qodobadan aynu soo xusnay inagoo soo koobeyna, ogsoona dadka wakhtigan iyo akhriska heerka uu gaadhsiisan yahay, waa astaamaha saldhiga u ah, ama gunta u ah, nidaamka anshax ee caalamiga ah, ama laysla qirsan yahay haddii la raaco in laga helo faaiidooyin badan oo aynu xusnay,
hadaba maxaa inaga haysta anshax wanaagsan ee dawladnimada iyo inagoo islaam ah, walina diinteena ay saldhig u yahay anshax ugu wanaagsan dunida guud keeda, ee qofka marka uu yar yahay lagu barbaariyo,
carqadaha iyo is diidooyinka sameeyey hab dhaqanka wanagsan ee dawladnimo, waa mid ay si balaadhan u keentay dhanka adeegsiga awoodaha masuuliyadeed ( Capabilities of responsibility ) kuwaasi oo si qaab daran oo ka baxsan anshax dawladnimada iyo kala danbeynta, loo adeegsaday, ha ugu yaraado masuul xafiiseed ama masuul ciidan oo deglee ah,
''bixi lacagta iyadoo loogu qaylinayo qofka si bilaa anshax ah,''
'' bax waryaa bax,'' '' Cay iyo handidaad ''
arimahani oo badan ayaa qofka argagax ku ridaya, marka uu maqlo nidaamka ka jira somaliland, ee aad moodo shufto bulshadii biilineysay si tuugo ah, oo sharciyeysan wax ugu qabneysa,
hadaba masuulka dawladu ama askariga ma ogyahay in shacuurta uu ka qaadayo xilka ku hayo ay tahay mida uu ku kibrayo, isla markasina kii qaadhka cashuur bixinta qaybta ka ahaa, uu si bilaa anshax ah, oo ka baxsan xeerka wadanka iyo shuruucda u dejisan ugu adeegsanayo awoodihii qarankan iyo sharcigu ugu igmaday inuu ku shaqeeyo,
awoodaha la siiyeyna ay yihiin kuwa xadidan isla markastina loogu talo galay inuu bulshada shaqo iyo hawlaha qaranka ugu qabto, awoodaha dawladnimada heerarkooda masuuliyada lagu ladhayna ay tahay waxaa lagula xisaabtami karo,
SirMohamud Hussein Hohamed

Comments
Post a Comment